Tabasho iyo Kashifid

IDG waxa ay ku shaqeysaa hanaan adag oo ah Tabasho & kashifid, taasoo gaarta xuddunta arrimaha u baahan in wax laga qabto.

Dhammaan soo gudbinaha waxaa lagu qabaa kalsooni buuxda, mid walbana si dhow ayaa loo baarayaa waqtiga ugu macquulsan. IDG waxa ay had iyo jeer arrimaha noocaan ah kula macaamilaysaa hufnaan iyo sharaf buuxda.

Tabashooyinka (Shaqaalaha kelya).
Fadlan isticmaal foomkan haddii ay kaa haysato arrin culus goobta shaqadaada oo aan lagu xallin karin silsiladdaada caadiga ah ee amarrada, ama haddii aad dareento in si aan caddaalad ahayn laguula dhaqmay. Middan waxa ay kuu oggolaaneysaa in aad si nabad ah u muujiso dhibaatooyinka noocan oo kale ah, waxayna hubinaysaa in lagu dhageysto iyadoo aan loo eegin darajadaada, goobtaada ama jagada aad ka haysa shirkadda.

Kashifaadda.

Haddii aad walaac daran ka qabto khalad dhacaya, musuqmaasuq ama ku tumashada xuquuqda aadanaha ee goobta shaqada, fadlan isticmaal foomkan. Haddii aad ka walaacsan tahay nabadgelyadaada marka aad sidaas sameynayso, markaa si qarsoodi ah waad u soo sheegi kartaa arrimaha noocaas ah adigoo ka tagaya magacaaga, lambarkaaga iyo cinwaanka emaylka oo bannaan.

Policies

Please see the Policies page for further detailed information on IDG’s approach to both Grievances and Whistleblowing.